HORDHACA: West Ham v Chelsea- John Terry Oo Kusoo Laabtay Safka Bules

Kabtanka Chelsea John Terry ayaa taam u ah inuu kooxda ku soo laabto safarka wareega afaraad ee EFL Cup kasoo ka dhacaya London Stadium oo ay West Ham ku ciyaarto.

Daafaca dhexe oo saddex jeer oo kala duwan kula guuleystay koobkaan kooxdiisa ayaa kasoo muuqan doono kulankiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah tan iyo bishii September 11.

Tababaraha kooxda West Ham Slaven Bilic ayaa sheegay inuu heysto ‘kooxda xoog badan’, laakiin weli waxaa dhibaatada ka qaba Weeraryahanka Andre Ayewkaasoo wali aan kusoo laaban tababarka ka dib dhaawac muruqa kasoo gaaray kulankii furitaanka oo ay kooxdiisa wajahday Chelsea.

West Ham v Chelsea

Garoonka: London Satdium

Saacada: 9:45 PM

Maxaa Cusub?

Terry iyo Willian ayaa kusoo laaban kara line-upka Chelsea kulanka caawa ee tartanka EFL Cup wareega afaraad ee ka dhanka ah kooxda West Ham.

Tababaraha Blues Antonio Conte ayay u badan tahay inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa, iyadoo ciyaartoyda khadka dhexe ee Nathaniel Chalobah lagu soo bilaabi doono kulankaan.

Daafacyada Branislav Ivanovic iyo Kurt Zouma ayaa ku soo laabtay tababarka, laakiin uma badna in ay kusoo bilaawdaan, halka kubad sameeyaha Cesc Fabregas wali la qiimeyn doono xaaladiisa.

Aaron Cresswell oo ka ganaaxnaa kooxda West Ham ayaa dib usoo laaban doona, halka Darren Randolph uu shabaqa ka bedeli doono goolhaye Adrian.

Ayew ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac uu la maqnaa, laakiin Arthur Masuaku, Sam Byram, Gokhan Tore, Andy Carroll iyo Diafra Sakho ayaa weli dhaawac muddo dheer qaba.

Xaqiiqooyin

Labada kooxood ayaa hore ugu kulmay League Cup iyadoo mid kastaa mar ay badisay,  West Ham ayaa ku guuleystay bishii October 1994 kulan ay wajahday Bules, iyadoo Chelsea ay bishii October 2004 markeeda badisay.

Chelsea ayaa laga badiyay markii ugu dambeeyay oo ay booqdeen garoonka West Ham tartamada oo dhan.