Hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta QM ee Congo oo la dhaliilay

Baaritaan ay Qaramada Midoobay ku samaysay weerar koox mucaarad ah ay ku qaadeen ciidamada nabad ilalinta ee Qaramada Midoobay kaasi oo lagu dilay 15 askari ayaa lagu ogaaday in ay jiraan dulduleelo badan oo ku aadan qaabka loo mamulo ciidamada nabad ilaalinta.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ciidamada Qaramada Midoobay loo gaysto sanooyiinki ugu dambeeyay.

Baaritaanka Qaramada midoobay ayaa farta ku fiiqay dul duleelo ka jira ciddamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee jooga dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo oo ah howlgalka ugu balaaran islamarkaana ah midka ugu kharashka badan.

Natiijada warbixinta ayaa muujinaysa in uusan jirin qorsha cad oo lagu xoojinaya amaba ay uga soo baxayeen ciidamadaasi nabad ilaalinta ka dib markii la weeraray saldhiga ay ku leeyihiin bariga dalkaasi Congo bishi December aee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ay haysato dhibaato dhanka hoggaanka iyo la’aanta tasiilaad sida tageero dhanka cirka ah iyo mid sirdoon .

Qaramada midoobay ayaa sheegtay ilaa iyo imika cadeeymaha la hayo ay muujinayaan in weerarkaasi ay fuliyeen jabhadda ADF.