Home Wararka Hirshabeelle oo ka hadashay sugidda amniga xilliga Doorashada

Hirshabeelle oo ka hadashay sugidda amniga xilliga Doorashada

SHARE

Jowhar-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Jowhar Maxamed Cali Siyaad ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay u sugayaan ammaanka xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhowaan halkaasi ka dhaceysa.

Wuxuu sheegay in ay u diyaar garoobeen in ay sugaan ammaanka goobaha ay ka dhaceyso Doorashada, shacabka ayuuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

“Waxaan u diyaar garownay hadaan nahay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, inaan ammaanka adkeyno, kaalinta inooga aadan, waxaan sugeynaa ammaanka goobaha Doorashada ay ka dhaceyso Doorashada, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.” Ayuu yiri Taliye Siyaad.

Magaalada Jowhar maanta waxa uu qorshaha yahay in ay ka bilaabato dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Mushraxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.

16-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota ayaa waxaa Magaalada Jowhar lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ay u taagan yihiin ilaa Sideed Musharax.