Hillary Clinton oo ahayd musharixii madaxweynenimada Maraykanka ayaa waraysi ay bixisay ku sheegtay in aysan meesha ka saari doonin in ay su’aal galiso xalaalnimada doorashadii lagaga guuleystay ee dhacday 2016-kii.
Iyada oo waraysi siisay idaacada qaranka Maraykanka ee NPR ayay ku sheegtay in ay ka war sugayso warbixinta uu soo saari doono baaraha gaarka ah Robert S. Mueller ee loo saaray in uu soo ogaado gefafkii dhacay doorashadii 2016-ka.
Balse dastuurka Maraykanka ma ogolaanayo in doorashada lagu celiya, xitaa haddii ay maxkamad xukunto in ku shubasho ay dhacday.
Clinton ayaa hadashay waxyar ka hor intii uusan Aqalka Congress-ka hadal qiraal ah ka jeedinin ninka lagu magacaabo John Podeska oo ahaa madixii ololaha doorashada Clinton, kaas oo ciwaankiisa emailka uu ka mid ahaa ciwaanadii la jabsaday, islamarkaasina falkaas lagu eedeeyey in Ruushka uu ka dambeeyay.
Ruushka ayaa lagu eedeeyey in uu farogalin ku sameeyay doorashadii Maraykanka, xiriir aan sharci ahayna uu la yeeshay ololihii Trump.
Warkan Clinton kasoo yeeray ayaa waxa uu aad u farxad galinayaa taageerayaal badan oo xisbiga Dimoqoraadiga ka tirsan oo markasta maanka ku hayay in mar uun guushii Trump lagu dhawaaqo in ay ahayd mid qiyaano ku timid.
Haseyeeshee waxa ay walwal galinaysaa arrintan musharixiinta madaxtinimo ee xisbiga dimoqoraadiga ee sanadka 2020-ka oo iyaga u arka in Clinton ay carqalad ku tahay fursadahooda.
Waxa ay Clinton qabtaa in aysan jirin fursad xagga garsoorka ah oo lagu laali karo natiijada doorashadii dhacday.
Xildhibaan ka tirsan aqalka sare oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Cory Gardner ayaa ka jawaabay hadalka Clinton, wuxuuna sheegay in ay si xun ugu guuldaraysan doonto talaabo kasta oo aay qaaddo.
Isniintii lasoo dhaafay Clinton ayaa ku baaqday in meesha laga saaro nidaamka ergada wax lagu doorto ee loo yaqaano Electoral College, kaas oo ahaa kii ay guuldarada kula kulantay inkasta oo ay heshey codadkii ugu badnaa marka dadkii codeeyay la tiriyo.