Home Wararka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo maanta lagu dhameystirayo Muqdisho

Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo maanta lagu dhameystirayo Muqdisho

SHARE

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in Maanta Magaalada Muqdisho lagu dhameystiri doono heshiiskii horudhaca ah ee Galmudug iyo Ahlusunna ay ku wada gaareen dalka Jabuuti.

Shirkaan oo galabta furmi doona waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa in lagu dhawaaqo qodobadii lagu heshiiyay.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlusuna oo Axadii la soo dhaafay u soo gababoobay wada hadalo uga socday Jabuuti ayaa ku gaaray heshiis horudhac ahaa oo ka dhashay siminaar looga hadlayay xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD.

Qabanqaabadda Shirkaan ayaa Hadda ka socota Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa Munaasabadda ku dhawaaqidda qodobadda lagu heshiiyay uu goobjoog ka noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.