Home Caalamka Haweeneey lagu helay danbi ilmo inay xaday

Haweeneey lagu helay danbi ilmo inay xaday

SHARE

Celeste Nurse oo ah hooyada carruurta oo maxkamada imanaysa.

Maxkamad Koonfur Afrika ayaa haweeneey ku heshay danbi, inay ka afduubtay carruur gabar ah isbitaalka labaatan sano ka hor.

Qaaliga maxkamada Cape Town, ayaa ku tilmaamay wax qiyaali ah haweenayda hadalka ay isku difaacday ee ah in carruurta la siiyay ayadoo joogto saldhig tareen.

Sanadkii hore, ayaa gabadha ay reerkeeda ku noqotay kadib markii saaxiib ay la noqotay gabar iskuulka oo u eg, kadib markii DNA-ga labada gabdhood la baaray waxay noqdeen walaalo.

Hooyada dhashay labada gabdhood ayaa ooysay markii lagu dhawaaqay xukunka maxkamada.