Haweenay uu ka dhintay hogaamiye ka tirsan ISIS oo la maxkamadeynayo

Saraakiil ka socota hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa gaaray dalkak Ciraaq si ay wareysi uga soo qaadaan xaaska uu ka dhintay hogaamiye ka tirsanaa ISIS oo lagu qabtay dalka Ciraaq.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Ummu Sayyaf ayaa waxaa horey u qabay mid kamid ah hogaamiyayaasha ISIS oo lagu magacaabo Abu Sayyaf, kaas oo lagu dilay dagaalka ka socda wadanka Ciraaq.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegay in ninkan Abu Sayyaf iyo Xaaskiisa Ummu Sayyaf ay ku lug lahaayeen afduubka haweenay u dhalatay Maraykanka oo laga qafaashay waqooyiga Siiriya xili ay halkaasi u joogtay hawlo gargaar bini’aadamnimo.

Haweenayda u dhalatay Maraykanka oo lagu magacaabay Kayla Mueller ayaa muddo dheer ku jirtay gacanta kooxda ISIS, waxaana sanadkii hore la sheegay inay ku dhimatay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisa ku qaadeen dhulka ay Daacish ka taliso.

Ummu Sayyaf ayaa lagu soo oogayaa dacwado la xariira inay guriga afduub ahaan ugu heysay haweenaydaasi, isla markaana ku lug lahayd sababihii keenay dilka haweenaydaasi oo ay warbaahinta Maraykanka ay sheegayaan in sidoo kale kufsi loo geystay intii afduubka lagu heystay.