Labo dumar ah ayaa sheegay in aysan wax dambi ah ku lahayn dilkii Kim Jong-nam, oo ahaa wiil ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, iyadoo maxkamadayntoodu ay ka socoto dalka Malaysia.
Waxaa adduunka ka yaabisay qaabkii sunta neerfaha wax yeesha loogu dilay isaga oo diyaarad ku sugaya garoonka Kuala Lumpur bishii Feebaraayo ee sannadkan.
Doan Thi Huong, oo 29 jir ah reer Vietnam ah iyo Siti Aisyah, oo 25 reer Indonesia ah ayaa lagu eedeeyay in ay suntaas wajiga ka mariyeen Kim Jong-nam.
Labadan gabdhood ayaa sheegay in ay khaldeen dad ay soo dirsatay Kuuriyada Waqooyi iyaga oo u malaynayay in ay ka qayb qaadanayeen barnaamij TV oo shactiro ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa diiday in ay wax lug ah ku lahayd dilkaas, laakiin masuuliyiinta Malaysia ayaa ku celceliyay in afar nin oo reer Kuuriyada Waaqooyi ah ay ka qaybqaateen dilkaas, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay dalka isaga baxeen isla maalintaas.
Arrintaas ayaa horseeday dagaal dublamaasiyadeed iyadoo uu xumaaday calaaqaadkii labadaas dal ee wanaagsanaan jiray waxayna eryeen danjireyaashii safiirada dalalkooda kala fadhiyay.