Hatem Ben Arfa oo go’aan ka gaaray kooxdii uu ku biiri lahaa

Hatem Ben Arfa ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara  Nice waxa uu noqday bartilmaameedka ugu sareeya kooxaha waweyn ee yurub,

Barcelona ayaa sidookale waxaa bartilmaameed xoogan u ah xiddigaha kale ee Kevin Gameiro iyo Alexandre Lacazette oo suuqa laga heli karo.

wargeyska  L’Equipe ayaa sheegaya ciyaaryahankii hore ee Newcastle United Ben Arfa oo xili ciyaareed wanaagsan ku qaatay kooxda France ee Nice inuu wadahadal horudhac ah la yeeshay Barcelona,

‘Sidookale Liverpool iyo AC Milan ayaa xiiso uqaba Ben Arfa oo 16 gool ka dhaliyay Horyalka France xili ciyaaareedkaan.