Ryan Giggs ayaa loo magacaabi doonaa tababaraha cusub ee xulka qaranka Wales hogaamin doona afarta sano ee soo socta maanta oo isniin ah, sida laga soo xigtay Sky.
Kabtankii hore ee xulka Wales Giggs ayaa u sheegay bishii lasoo dhaafay Sky Sports in uu dib ugu soo laaban doono shaqada kubada cagta xulka qaranka Wales.
Xiriirika kubadda cagta Wales ayaa si rasmi ah u shaacin doona maanta in Ryan Giggs yahay tababaraha cusub ee xulka qaranka.
Go’aanka lagu magcaabayo Ryan Giggs ayaa si rasmi ah looga dhawaaqi doonaa shir jaraa’id oo la qaban doono saacaddu markay tahay 2-duhurnimo ee Isniinta maanta ah.
Giggs wuxuu caawiye u ahaa Louis van Gaal laba xilli ciyaareed, ka hor inta uusan iska casilin xilkiisii Manchester United ka dib markii uu shaqada la wareegay Jose Mourinho sannadkii 2016kii.
Tababare Chris Coleman oo xulka Wales gaarsiiyay semi-finalka Euro 2016kii, ayaa isaga tagay shaqada ka dib markii uu ku guuldareystay inuu usoo saaro Koobka Aduunka 2018.
Craig Bellamy ayaa hore loola xiriirinayay shaqada uu baneeyay tababare Coleman, laakiin haatan waxaa ugu horeeya halyeyga Manchester United Ryan Giggs.