Halyeeyga Arsenal Sol Campbell Oo Hindisay Qorshe Lagu Celin Karo Mohamed Salah

Halyeeyga Arsenal Sol Campbell ayaa sheegay inuu awoodi karo celinta gooldhaliyaha Liverpool Mohamed Salah.

Salah ayaa afar gool dhaliyay kulankii Liverpool 5-0 kaga badiyeen kooxda Watford garoonka Anfield.

Campbell wuxuu aaminsan yahay habka ugu fiican ee lagu celin karo Salah inay tahay in la xirto kaliya lugta uu ku ciyaaro.

“Iyadoo Salah uu heysto bandhig fiican, muhiimadu waxay tahay in laga xiro kaliya lugta uu ku ciyaaro kubada ee bidix “ ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waa inaad ku qanacdo inaad ka hor timaaddo isaga, haddii aadan haysanin kalsooni ma awooodid inaad celiso xiddig lamid ah Salah.

“Sidoo kale waxaan u maleynayaa inaad u baahan tahay si dhakhso ah inaad ula socato dhaqdhaqaaqiisa si uusan u helin fursad uu kusoo jeesto”ayuu hadalkiisa ku daray.

“Marka uu ku jiro sanduuqa isagu waa mid halis badan” ayuu yiri daafacii hore ee Arsenal Sol Campbell.