Home Wararka Hakad ku yimid Howlgaladii ka socday Bardaale

Hakad ku yimid Howlgaladii ka socday Bardaale

SHARE

Bardaale-RisaalaFM- Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa ku sugan Ciidamada Dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Itoobiya, Howlgalkooda ka dhaafsana 20-KM.

Degaanada qaar ee ku soo dhow degmadaasi waxaa si dhuumaaleysi ah ku maamula ururka Al-shabaab, shacabka ku nool degaanadaasi waxa ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan sida uu Risaala u sheegay Guddoomiyaha degmadaasi.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Bardaale Saalax Axmed ayaa sheegay sababta ka dambeysay in hakad uu ku yimaado Howlgalka in ay tahay Ciidamada oo aanan heysan agab ciidan oo ku filan.

Degmooyinka ka tirsan Koonfur Galbeed gaar ahaan degmooyinka Baay iyo Bakool wadoyinkeeda waxaa keliya isticmaala gawaarida gaashaaman, balse ma isticmaali karaan Ganacsatada iyo dadka kale, sababo la xiriira arrimo amni daro awgeed.

Siid Cali Muuse Maxamed, Radio Risaala, Baydhabo