Guuleed oo gaaray Cadaado

Guuleed oo gaaray Cadaado

SHARE

Cadaado-RisaalaFM- C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin  ka tirsan Maamulkaasi, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa shalay waxa ay sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug, kadib markii ay ogolaadeen in xilka laga qaado 54 xildhibaan, inkastoo Madaxweynaha xilka qaadistaasi uu ka soo horjeestay.

9-kii Bishan Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay Degaanada Mamaulkiisa, si loo soo celiyo amniga iyo arrimaha siyaasada.