Home Ciyaaraha Guruub C: Chelsea oo ku bar baratay Qarabag halka Atletico iyo Roma...

Guruub C: Chelsea oo ku bar baratay Qarabag halka Atletico iyo Roma isku ag dhaceen

SHARE

Kooxda Chelsea ayaa guul weyn gaartay kusoo laabashadeeda koobka horyaalada Yurub cayaar ay ku bar barteen naadiga Qarabag ee tartankaan ku cusbeed.

Chelsea ayaa 6-0 ku xaaqday naadiga Qarabag ayadoo qaybtii hore goolasha ay dhaliyee Pedro iyo Davide Zappacosta.

Qaybta labaad ee cayaarta waxaa damaashaadka goolasha ka qayb qaateen Michy Batshuayi oo labo gool dhaliyay, Cesar Azpilicueta iyo Tiemoue Bakayoko

Dhinaca kale kulankii caasimada Talyaaniga ka dhacay ee dhex maray kooxaha Roma iyo Atletico Madrid ayaa 0-0 kusoo idlaaday.