Guri ku yaalla degmada Kaaraan oo Dab uu qabsaday (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Dab khasaare hantiyadeed ka dhashay ayaa gelinkii dambe ee maanta ka kacay guri Jiingado ka sameysnaa oo ku yaalla Waaxda Nageyle ee degmadaasi.

Gurigan oo ku yaalla xaafada Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku noolaa Aabe iyo Hooyo iyo caruur ay dhaleen, balse dhammaantood wax khasaare ah kama soo gaarin dabkan, iyada oo dabka keliya uu baabi’iyay guriga.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Soolar guriga yaallay, kadibna wuxuu qabsaday korantadii guriga, iyadoo ugu dambeyn sidaasi dabka uu ku sii fiday.

Aabaha Qoyska oo lagu magacaabo Xasan Saney Maxamed ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid uu aad ula yaabay, balse uu ku qanacsan yahay qadarta Alle, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay gargaar la soo gaaraan, maadaama uu tilmaamay in ay yihiin qoys danyar ah.

Sawirro laga soo qaaday guriga gubtay ayaa muujinayay gurmad ay sameynayeen dadka deegaanka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Waaxdaasi, iyada qoyska gurigan ay ka gubatay lacag dhan 500$ sida uu sheegay Xasan Saney oo ah Aabaha reerkan.

Guddoomiyaha Waaxda Nagelye ee degmada Kaaraan C/qaadir Xasan Maxamed (Daadir) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa dhankiisa waxa uu sheegay reerkan in ay yihiin dad danyar ah oo dhawaan ka yimid degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ka maamul ahaana wixii gargaar ah ay u sameeyeen.

“Waxaan kuu sheegayaa in gelinkii dambe ee maanta uu dab ka kacay guri ku yaalla Waaxda Nageyle gaar ahaan xaafada Sheekh Aadan Dheere, Alxamdulilaah khasaare nafeed kama dhalan dabka, balse guriga ayuu baabi’iyay, waxaa loo maleynayaa dabka inuu ka dhashay Solar guriga yiilay, ka maamul ahaan waxaan sameynay wixii karaankeena ah oo aan qoyskaasi ugu gargaari karno.” Ayuu yiri Guddoomiye Daadir.

Maalmo kahor ayay aheyd markii guri ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan aagga garoonka diyaaradaha dab qabsaday uu ku dilay tiro caruur ah oo wada dhashay, iyada oo arrintaasi ilaa hadda si aad ah looga hadal hayo degmadaasi.