Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahne duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayey amaanka gobolka, dib udhiska wadooyinka,nadaafadda, iyo hormarro kale ayuu markale digniin udiray dad uu sheegay in ay suurta gal ay tahay in guryo ku yaala Muqdisho ay si xoog ah ku heystaan kuwaasoo uu ugu baaqay in ay iska warejiyaan hantida ay sida xoogga ku heystaan muddo uu ku sheegay 24 sano inka badan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu qaadi doono talaabooyin ku aadan sidii dadka hantidooda ay ka maqan tahay loogu soo celin lahaa.
Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka taagan muran la xirriira dhinaca guryaha ah inkastoo hadda maamulka gobolka Banaadir uu ku baaqay in dadka guryaha sida xooga ah ku heysta ay iska wareejiyan.