Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka SHabeelaha Hoose ayaa sheegaya in gudoomiyahaasi Xuseen Bare Maxamed Xuseen Jeex uu ku dhaawacmay qarax.
Qaraxaan oo ahaa bambada gacanta lagu tuuro ayaa lagu weeraray gudoomiyaha xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa dhaawac aan sidaa u sii buurneen ayaa ka soo gaaray qaraxaasi gudoomiyaha.
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka degmada Baraawe ee gobolka SHabeelaha Hoose.
Masuuliyiinta degmada Baraawe ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka danbeeeyay qaraxa lagu weeraray gudoomiyaha dagmada Baraawe ee gobolka SHabeelaha Hoose.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dhaawaca gudoomiya dib ayaan adin kala soo socodsiin doonaa insha allah.