Guddoomiye Jawaari oo u jawaabay xildhibaano ka dalbaday inuu is casilo

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho , wuxuuna shirkiisa kaga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin Mooshinka isaga ka dhanka ah, Ciidamada la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay Guddoomiye (Jawaari) inuu dhamaaday khilaafkii keenay Mooshinka, wuxuuna tilmaamay inuu jiro Mooshinka, uuna codsanayo in 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay muranka siyaasadeed inuu cuuryaamiyay howlaha Dowladda, maadaama Xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ku mashquuleen Mooshinka, aysanna shaqeyneyn xafiisyada Dowladda.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay amniga dhismaha Baarlamaanka inuu gacanta ugu jiro Xukuumadda, wuxuuna ku baaqay in Ciidamadaas laga dulqaado xarunta, laguna soo celiyo Ciidamadii horey u ilaalin jiray, si howsha ay ugu soo noqoto sidii caadiga aheyd.

“Dhammaan xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed waxay marqaati ka yihiin inaan qabtay oo aan agaasimay Madaxweynayaal si nabad ah isku bedelay, Madaxweyne walba midkii guuleystay iyo midkii laga guuleystay iyaga oo gacmaha is heysta ayay albaabka ka baxeen.” Ayuu yiri (Jawaari).

Guddoomiye (Jawaari) oo u muuqday mid u jawaabayay xildhibaano shalay ka dalbaday inuu is casilo ayaa sheegay inuusan ku imaan xoog oo ku yimid cod, hadana uu diyaar u yahay inuu nidaam ku baxo, isaga oo sidoo kale sheegay xildhibaanada isaga ka dalbaday inuu is casilo in ay jiraan Hurdo, loogana baahan yahay in ay ka toosaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Afaraale iyo Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa shalay ku eedeeyay inuu ku xad gudbay Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaan ay ugu baaqeen inuu is casilo.