Guddoomiyaha G/Banaadir oo baaq u diray shacabka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni daro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka Muqdisho in ay ka hortagaan cid walbo oo dhibaato ku ah, isaga oo sidoo kale tilmaamay shacabka in looga baahan yahay in ay si wadajir ah ula dagaalamaan dadka doonaya in ay dhibaato ka geystaan Muqdisho.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’addaha ammaanka iyo shacabka magaalada Muqdisho.

“Waxaa muhiim ah dhalinyaroy inaad amniga u hiilisaan, dadka Muqdisho ku noolow Xamar yaan laga dhigin xabaal, sida aan maanta sameynay hadii aan ku sii socono cadowga waan ka adkaan karnaa.” Ayuu yiri Thaabit.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii boqolaal banaanbaxayaal ah kula hadlay Taalada Daljirka Daahsoon.