Home Wararka DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la doortay

DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la doortay

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu helay codad ka badan 139.

Tirinta codadka ayaa weli socota, waxaana Hoolka ay ka socoto Doorashada laga dareemayaa farxad iyo sawaxan oo ay sameynayaan xildhibaanada, iyagoo ku faraxsan Jawaari.

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa horey u sheegay Doorashada in ay socon doonto ilaa Saddex wareeg, haddii wareegga koowaad uu hal musharax helo codad dhan 139 uu si toos ah u noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka waxaa hada ka bilowday Dabaal degyo iyo fantasyo lagu taageerayo Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.