Laacibka kooxda Atletico Madrid iyo xulka France ee Antoine Griezmann ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay u safri doonto garoonka Alienza Arena oo ay kooxda Bayern Munich ku ciyaarto talaadada soo socota.
Atletico ayaana goor hore xaqiijisay inay kazoo baxday guruubkooda D, oo ay 6-dhibic oo nadiif ah ku hogaaminayso guruubkooda.
Laakiin Antoine Griezmann ayaa aaminsan in kooxda Bayern Munich aysan u awood badnayn si lamid ah sida waqtigii Pep Guardiola macalinka u ahaa.
“Ixtiraam wayn ayaan u haayaa kooxdaas, waxaan ku dadaali doonaa sidii aan uga qaadan lahayn dhibicaha inkastoo ay adag tahay in laga badiyo kooxdan lkn xitaa hadii aan helno hal dhibic waa natiijo fiican” ayuu saxaafada u sheegay Griezman.