Goormee Garoomada Kusoo Laabanaya Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos

Kooxda kubbadda cagta ee Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday xilliga laga yaabo in uu garoomada ka soo muuqdo daafaceeda Sergio Ramos, kaas oo kulamadii la soo dhaafay naadiga dhaawac uga maqnaa.

Hoggaamiyaha Los Balancos ayaa laga yaabaa in uu ka soo muuqdo kooxdiisa kulanka ay wajihi doonaan naadiga ay dariska yihiin ee Atletico Madrid kaas oo dhici doona 19-ka November, inkastoo haatan wali laacibka reer Spain ee Ramos uusan u billaabin tababar buuxa.

War qoraal ah oo la soo dhigay Bogga Twitter-ka ee kooxda ka dhisan caasimadda Spain ayaa lagu yiri “Ramos waxaa lagaa yaabaa in uu ka soo bogsado dhaawicii bishan gudaheeda, sidoo kale waxaa macquul ah in uu ciyaaro kulanka Madrid Derby’.

Sergio Ramos ayaa dhaawac ka soo gaaray waajibaadka xulkiisa qaran mar xulkiisa ay 2-0 uga adkaadeen dhiggooda Albania, iyadoona Kabtan Ramos uu dhaawac ka soo gaaray dhanka Jilibka xilli ciyaarta laga saaray daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta.