Muqdisho-RisaalaFM- War qoraal oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaliyeed ayaa lagu caddeeyay in dib loo dhigay kulan ciyaareedka fiinalka tartanka kubada cagta Maamul Gobolleedyada dalka.
Kulankan oo ay ku ballansanaayeen Maamul gobolleedyada Jubalabnd iyo Puntland ayaa lagu waday in la ciyaaro maalinta Isniinta 25 July, waxuuna xiriirka sheegay in la ciyaari doono Talaadada oo ay taariikhda ku beegan tahay 26 July.
Sababta ugu weyn ee loo baajiyay kulankaan ayaa lagu sheegay in Labada Maamul Goboleed Mas’uuliyiintooda ay maalinta Isniinta ah soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho islamarkaana ay dalbadeen in ay la kulmaan ciyaaryahanada labada dhinac ah.
Maalinta Talaadada ah ayaa la filayaa in finalka Tartanka maamul goboleedyada dalka la soo gaba gabeeyo, waxaana isag hor imaan doona kooxaha Puntland iyo Jubbaland.