Giriigga oo ka cabanaya Austria

Giriigga ayaa cabasho rasmi ah ka gudbiyey Austria, go’aanka ay ku gaartay inay marti galiso kulan ay yeeshaan dalalka galbeedka Balkanka oo ku saabsan mushaakilka muhaajiriinta, ayadoo aan lagu darin Giriigga.

Kulanka waxaa isugu imaanaya wasiirrada arrimaha gudaha iyo kuwa arrimaha dibadda ee dalalka Albania, Bosnia, Bulgaria, Kosovo, Croatia, Macedonia, Montenegro, Serbia iyo Slovenia.

Giriigga ayaa sheegay in tallaabada Austria ay tahay fal anysan saaxiibtinimo ku jirin, kaasoo wax u dhimi kara dadaalada lagu raadinayo xal wadajir ah oo laga gaaro xiisadda qaxootiga.

Austria oo dhawaan adkeysay ammaanka soohdimaheeda isla markaana bilowday in maalin waliba ay baarto tareennada, ayaa ku gacansayrtay dhaliishaasi.

Austria ayaa sheegtay in dalalka ku yaalla Galbeedka Balkan-ka ay sanadkii lasoo dhaafay sidan oo kale ugu kulmeen magaalada Vienna.

Shirka maanya ayaa waxaa looga hadli doonaa qaabaka lagu maareyn karo xuduudaha, loogana hortagi karo kuwa dadka tahriibiya iyo kooxaha xagjirka ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Austria ayaa BBC-da u sheegay in waxa kasoo baxa kulankaasi la horgeyn doono kulanka ay wasiiradda arrimaha gudaha iyo cadaalada ee Midowga Yurub maalinta Khamiista ah ku yeelan doonaan magaalada Brussels.