Xildhibaannada Giriiga ayaa ansixiyay qodobo muran badan dhaliyay oo ku aaddan isbedelo dhanka canshuuraha iyo lacagaha dadka howlgabka ah, kuwaasoo aasaas u ah helitaanka qeyb ka mid ah deymaha caalamiga ah ee uu dalkaasi u baahan yahay.
Baarlamaanka ayaa go’aankan gaaray ka dib dood socotay laba maalmood, iyadoo bannaanka dhismaha baarlamaanka ay ka socdeen dibed baxyo rabshada wata.
Ra’iisul wasaare Alexis Tsipras, ayaa soo dhaweeyay go’aanka xildhibaannada.
Waxa uu sheegay in uu hadda ka fekerayo mustaqbalka dalkiisa iyo kulan uu maanta la yeelanayo wasiirada maaliyadda ee dalalka ku jira dallada Eurozone, kaasoo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin sidii deynta looga cafin lahaa dalkaasi.
Ururada shaqaalaha ayaa sheegaya in Giriiga aanu hadda awoodin tallaabooyin kale oo gunti giijis ah, dad badana ay waayi doonaan lacagaha howlgabka.
Hogaamiyaha xisbiga hantiwadaaga ee Giriiga, Dimitris Koutsoubas, ayaa sheegay in shacabka dalkaasi aanay soo dhaweyn doonin codeyntan.