Home Wararka Gen. Muqtaar oo ka degay Baydhabo

Gen. Muqtaar oo ka degay Baydhabo

SHARE

Baydhabo-RisaalaFM- Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Saraakiil Ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Shaati Guduud ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka, Maamulka Gobolka, kan Degmada, Saraakiil Ciidan, Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale.

Ujeedka Safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa ah in Magaaladda Baydhabo uu uga qeyb galo wajiga Labaad ee Shirka Booliska Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo halkaasi ka socon doono labada cisho ee soo socota.

Taliyaha waxaa Safarka ku wehlinaya dhammaan Taliyeyaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinkooda laga soo saray Ciidamo cusub, kuwaasi oo sugidda amniga ka qeyb qaadanaya inta Gen. Mukhtaar iyo wafdigiisa ay ku sugan yihiin halkaasi.