Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa waxa uu sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in magaalada Muqdisho ay wadooyinkeeda iyo xaafadaheeda ay nadaafad daro ka jirto.
Wuxuu sheegay dadka hadii lagu dhiirageliyo inay degaankooda nadiifiyaan in ay imaaneyso xitaa in dadka uu mooral galo, ayna sababto in ay is difaacaan.
Gen. Gorod ayaa sheegay guddoomiyihii degmadiisa qashinka ka nadiifin waaya in ay waajib tahay in la xiro, maadaama uu dayacay nadaafadda degmada uu gudoomiyaha ka yahay.
“Waxaan oran lahaa marna aqbaleyn, magaalada sida ay u dayacan tahay oo qashinka u dhexyaalo, kolley anigu ma aqbaleyn, ninkii guddoomiye degmo ah oo degmadiisa xaaqan waaya muxuu damacsan yahay, markii shacabka la dhiirageliyo waxaa galaya mooral oo ah in ay isdifaacaan, ninkii aan shacabka ku dhiiragelin in ay wax qabsadaan isaga laftirkiisa ayaa la xiri lahaa.
Degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir ma ahan nadaafad ahaan kuwo wanaagsan, iyada oo Dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay horey u iclaamiyeen maalinta ololaha nadaafadda, weli waxaa jirta nadaafad daro.