Gen. Gaafow oo si buuxda Loogu Magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayey si buuxda ugu magacaabay taliyaha Hay’adda nabad suggidda General Cabdulaahi Gaafoow oo horay u ahaa taliyaha ku meel gaarka ah ee Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka qaranka.

Kulanka golaha wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay arimo badan oo ka mid yihiin amniga qaranka iyo xaalada dalka uu hada maraayo.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si kumeel gaarka ah general Gaafoow ugu magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad suggida.