Home Ciyaaraha Geesi ay jecel yihiin jamaahiirta Liverpool oo lagu eedeeyey inuu yahay shaqsigii...

Geesi ay jecel yihiin jamaahiirta Liverpool oo lagu eedeeyey inuu yahay shaqsigii ka dambeeyey bixitaanka Coutinho

SHARE

Philippe Coutinho waxaa u rumowday riyadiisa maadaama uu ku biiray kooxda Barcelona oo Isbuucii ugu horreeyey bishaan Jannaayo 145 milyan oo ginni kaga iibsatay Liverpool.

Liverpool ayaa xiddigaan ku heshay 17 jibbaar lacag ka badan middii ay kaga soo iibsatay kooxda Inter Milan sannadkii 2013kii oo aheyd 8.5 milyan oo ginni.

Dad badan ayaa isweydiiyey sababta uusan Philippe Coutinho xilli ciyaareedkaan ula dhammeysan Liverpool oo weli ku jirta tartanka UEFA Champions League kana mid ah afarta kooxood ee ugu sarreysa England Premier League – uguna biiray Barca oo uusan u matali karin tartanka UCL.

Si kastaba ha ahaatee, geesigii hore ee kooxda Liverpool Lucas Leiva oo u dhashay dalka Brazil ayaa Philippe Coutinho qaab wanaagsan ugu sharraxay faa’iidada ay u leedahay inuu xilli ciyaareedkaan seego inta ka dhimman tartanka UCL.

Sida laga soo xigtay majaladda Daily Mail, Lucas ayaa barnaamijka FaceTime kula sheekeystay saaxiibkiis Philippe Coutinho inta uusan ku biirin Barcelona, wuxuuna ku yiri: “Inaad seegto tartanka Champions League inta ka dhimman xilli ciyaareedkaan waxay kaaga dhignaan doontaa in adigoo caaboon aad tegi doonto Koobka Adduunka, saaxiibkeygiiyoow.

“Ma ahan wax adiga kugu habboon, laakiin waa inaad mararka qaar arrinta ka fiiriso geesta wanaagsan”.

Malaha hadalkaas kasoo yeeray Lucas waa midka Coutinho ku dhiirigeliyey inuu saaxiibkiisii hore ee Liverpool Luis Suarez kula midoobo Barcelona oo maanta warbaahinta usoo bandhigtay.