Gareth Southgate ayaa loo magacaabay tababaraha rasmiga ah ee xulka England kadib war qoraal ah oo kasoo baxay xiriirka kubada cagta FA-ga.
Tababarahaan ayaa heshiis afar sanno ah oo ku eg ilaa dhamaadka Euro 2020 la gaaray xulka qaran kubadda cagta England oo uu hore si ku meel gaar ah ugu hogaaminayay.
Tababarihii hore ee England Under 21-ayaa shaqada xulka si ku meel gaar ah loogu dhiibay dhamaadkii bishii September ka dib markii lagu bedelay Sam Allardyce oo fadeexad soo wajahday.
Southgate ayaa badiyay Afar kulan si ku meel gaar ah u hogaamiyay xulka Three Lions isagoo badiyay laba kulan halka labada kale barbaro uu galay.