Gareth Bale oo amar siiyey wakiilkiisa, waana tallaabo ka farxisay taageereyaasha Man Utd

Xiddiga kooxda Real Madrid Gareth Bale ayaa wuxuu si dhab ah uga fikirayaa inuu ku laabto horyaalka England Premier League, iyadoo Manchester United ay isha ku heyso saxiixiisa, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Manchester United ayaa isku dayday inay xagaagaan lasoo saxiixato Bale, laakiin Real Madrid ayaa horjoogsatay qorshihii uu ku bixi lahaa.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa waqtigaas caddeeyey inuu ku faraxsan yahay joogista horyaalka La Liga, laakiin haatan maankiisa ayuu bedelay wuxuuna isha ku hayaa inuu ku laabto horyaalka England Premier League.

Shabakadda Don Balon ee dalka Spain ayaa sheegeysa inuu 28 sanno jirkaan Bale haatan ku amray wakiilkiisa inuu ka shaqeeyo qorshe uu kaga tegayo kooxda tababare Zinedine Zidane.

Taageereyaasha Real Madrid ayaa ku oriyey Bale intii lagu jiray ciyaartii ay barbardhaca la galeen kooxda Valencia, si la mid ah kulankii ay sidaas oo kale ugu garab dheceen Levante oo uu si xun u ciyaaray.

Shabakadda Don Balon ayaana sheegeysa inuu Bale ka careysan yahay habka ay ula dhaqmayaan taageereyaasha Los Blancos. Xitaa wuxuu ku amray wakiilladiisa inay ka shaqeeyaan heshiiska uu xagaaga soo aadan kula laaban doono horyaalka EPL.