Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika Koox burcad ah ayaa xalay Ganacsade Soomaaliyeed waxa ay ku dileen magaalada Johansenbeg ee dalkaasi.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Cali , waxaana la dilay isaga oo ku sugan xaruntiisa Ganacsi.
Johansenbeg waxa weli yaalla maydka Marxuum Liibaan Cali, waa muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo isna maalin ka hor ay dishay koox hubeysan.
Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku nool, ayaa walaac xoogan ka muujiyay falkan dilka ah ee loo gaystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka South Afrika.
Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.