Ganacsade lagu toogtay Suuqa Bakaaraha

Wararka naga soo gaaraya Suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Khaliifa ayaa waxa ay kusoo waramayaan in kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen nin Ganacsade ah.

Dilka ninkaan  ayaa waxaa uu yimid, kadib markii uu ka dhaga adeegay inuu dhiibo taleefoonkiisa gacanta oo ay doonayeen inay ka qaataan ragga hubaysan.

Sida ay inoo sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Ragga dilka geystay ayaa waxa ay wateen qoryaha loo yaqaano AK-47.

Kooxihii dilka Geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana la sheegay in halkaasi ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta badan kooxaha Tuugada ah ayaa dhibaato u geysta Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha.