Gabar Soomaaliyeed oo la xanuunsaneyso Cudur Dalka wax looga qaban waayey(Sawiro).

Sahro Xundubey Jiilaal waxa ay qabtaa Cudrka (Fung) oo ay soomaalida dhahaan (cudrka juudaanka) waana mid leh astaamo ay kamid yihiin jir go’ waxaana meelo kamid ah is badalay jirkeeda sida Allah u abuuray iyadoo lugaha iyo gacmaha ay yihiin meelaha muuqdo ee sida ba’an u go’go’an jirkeeda sida aad ka arakto.
Xarumo caafimaat oo ay kamid yihiin:- ( fiqi, Masaarida, Caagane’ bushkuleeti’ bashaal, Buurane, iyo Digfeer) oo ugu dmbeyn sheegay in dalka aan waxba looga qaban Karin.

Ruqiyo Xunduby Jiilaal waxa ay la dhalatay dhibanahan xanuunsan Sahro Xundubey Jiilaal oo ay heysaa wax ka badan 5-sano waxa ay kala daashay sida ay sheegtay xarumo caafimaat oo dalka ku yaalo waxa ayna codsaneysaa in la caawiyo ( waan kala quustay in dalka wax looga qabto sida aad arkeysaan waxaan geeyay meel kasta si’ay uhesho walashey caafimaat balse waxa ay ii sheegan dhaqaatiirta in dalka aan waxba looga qaban Karin anna wax ma heysto ee waxa aan ka codsaana dadka Soomaaliyeed, Dowladda iyo Hey’adaha deeq bixiyayaasha ah inay igu caawiyaan in walaashey loo helo caafimaat dibadda ah sida India, Masar iyo Abu-dabai,”) ayey tiri.

Haddaba qofkii caawin karo dhibanahan ku nool meela kamid ah degmada Waabari ee Gobalka Banaadir waxa ay codsanayaan qoyskeeda walasheyd Ruqiyo Xundubey Jiilaal inay ku soo hagaajiyaan fariimahooda caawimaad telaafanada kala ah #Tel: +252615038918 / +252615852873.
vlcsnap-2016-10-12-14h18m57s811

vlcsnap-2016-10-12-14h20m04s658

vlcsnap-2016-10-12-14h20m42s887

vlcsnap-2016-10-12-14h22m45s981