Gabar Soomaali-Turkish ah oo sanado badan kadib soo heshay halka ay kasoo jeedo “SAWIRRO”

Hooyo Soomaaliyeed oo asal ahaan kasoo jeedda dalka Turkiga ayaa sanado badan oo ay baadi goob ugu jirtay helitaanka halka ay kasoo askuntay, ay ugu danbeynti u suura gashay ineey dalka Turkiga kula kulanto ehelka iyo qaraabada dhinaca aabaheed oo Turkish aha.

Amina Cusmaan Maxamed Khaliiloglu, awoowgeed Maxamed Khaliiloglu ayaa ka mid ahaa askarti Imbaraatooriyadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta ee Somaliya tagay dhamaadkii qarnigii 19-aad. Iyada iyo aabaheedba waxay ku dhasheen Soomaaliya.

Hooyo Amina Cusmaan Maxamed Khaliiloglu ayaa markii ay aragtay Eheladeeda waxa ay aheyd mid ku faraxday, maadaama ay kala tageen waqti hore, oo ay kala maqnaayeen.

1q 2q 3q