Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kulan la qaatay xubnaha Golaha degaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Kulanka uu Madaxwaynuhu la qaatay Golaha Degaanka degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arimo ay ka mid ahaayeen dardar gelinta mashaariicaha horumarineed ee Puntland ka wado magaalada Gaalkacayo iyo wanaajinta xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya xildhibaanada Golaha degaanka.
Madaxwaynaha ayaa xubnaha Golaha degaanka ee degmada Gaalkacyo waxa uu ku booriyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay magaalada Gaalkacayo horumar balaaran u gaarsiin lahaayeen si ay ula jaanqaado magaalooyinka dhigeeda ah.
Madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay in dhammaan xildhibaanadu ay u istaagaan sidii wax badan looga qaban lahaa horumarka, nabad gelyada, iyo bilicda magaalada Gaalkacayo.
Ugu dambayn Madaxwaynha Puntland ayaa waxaa uu kula dardaarmay guud ahaan shacab iyo Maamul in laga wada qayb qaato horumarka iyo nabad gelyada magaalada Gaalkacyo.