Balcad-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo aroortii hore ee saakay ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.
Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday Gaari Dheyno ah, kaasi oo Dhuxul ka doonayay degaanada duleedka ka ah magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.
Gaarigan ayaa Qaraxa waxa uu ku qabsaday xilli uu marayay degaanka Haansheekh, waxaa ku geeryooday Darawalka Gaariga kaxeynayay, halka uu ku dhaawacmay nin kale oo Gaariga la socday.
Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Bishaar iyo ninki dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu ku soo waramayo wariyaha Risaala ee magaaladaasi.
Maamulka degmada iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta Qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sidii looga daba tegi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.
Degaanka Haansheekh oo qiyaastii 7-KM ka xiga dhanka Waqooyi degmada Balcad ayaa waxaa inta badan Qaraxyada Miinooyinka ah lagula eegtaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, ilaa hadda Maamulka Hirshabeelle lama uusan imaan qorshe cad oo falalkan wax looga qabanayo.