Home Caalamka Foolkaanadii dalka Guatemala oo galaafatay tobanaan ruux

Foolkaanadii dalka Guatemala oo galaafatay tobanaan ruux

SHARE

Foolkaanadii ugu xumayd abid ee ka qaraxda dalka Guatemala in kabadan qarni ayaa dishay 33 qof sida ay sheegaan saraakiisha dalkaas.

Tobonaan kale ayaa lala’yahay, sida ay sheegtay hay’adda maaraynta musiibooyinka ee dalkaas.

Tuulooyin u dhawaa halka ay ka qaraxday foolkanada lagu magacaabo Fuego ayaa waxaa gabi ahaanba aasay dambas, dhoobo iyo dhagxaan salli ah kadib markii ay dillaacday foolkanadu taas oo socotay 16 saacadood iyo bar maalintii axadda ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Jimmy Morales ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor diiq qaran ah, Dhanka kale xeebaha Guatemala ayaa sidoo kale waxaa ku dhuftay dhul gariir in kastoo aan wali lasoo sheegin khasaare ka dhashay halkaas