Real Madrid ayaa isha ku haysa goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo 17-sano jirkaan xagaagan,
sida laga soo xigtay wargeyska Spain ee AS. Florentino Perez ayaa u arka wiilkaan dhallinyarada Talyaaniga ah mid taariikh weyn ka sameyn kara kooxdiisa sanadaha soo socda.
tan iyo markii kooxda ay go’aansatay inay dirto kabtankii hore ee Iker Casillas, majirin goolhaye deggan oo ay kooxdu heshay, wali wali muuqaneysa in ay baahida ba’an oo gosha ah jirto.
Keylor Navas ayaa dooqa koowaad haysta tan iyo markaa uu tagay Iker Casillas, waxaana uu soo jiitay dad badan oo madaxda kooxda kamid ah, laakiin kooxda ayaa dareemaysa in ay loo baahan yahay qof kula dagaalami kara booska waxaana loo arkayaa Donnarumma.
Kooxda ayaa aad isgu dayday in ay la soo wareegto David de Gea xagaagii lasoo dhaafay, laakiin arimo farsamo oo ka yimid warqadihiisa kala iibsiga ayaa dib u dhac keenay.
Sidookale Real Madrid ayaa xiiso u qabta goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois, waxaana labada kooxood ee Premier League si cad u sheegeen in aysan iibin doonin goolhayayaashooda.
Wararka sidoo kale soo baxay horaantii bishan ayaa sheegayay in 17-sano jirka Donnarumma heshiis cusub uu u saxiixi doono kooxda AC Milan.
Qandaraaska uu haatan kula joogo kooxdiisa ayaa dhacaya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda waxaana kooxda ay doonayaan inuu saxiixo heshiis cusub oo uu xirfadiisa ciyaareed oo dhan ugu qaadanayo kooxda.