FIFFA oo Ganax Ku Riday Xiriirada 11 Dal Oo Talyaaniga Iyo Brazil Kujiraan

Fifa ayaa cunaqatayn ugu soo rogtay xiriirada kubadda cagta ee 11 dal anshax xumo iyo takoor ay ku kaceen taageerayaashooda intii uu socday isreebreebka Koobka Adduunka ee 2018.

Dalalka la ganaaxay waa: Honduras, El Salvador, Mexico, Canada, Chile, Brazil, Argentina, Paraguay, Peru, Italy iyo Albania.

Dalka Chile ayaa sidoo kale lagu amray in ciyaarta ay kaga hortagayaan xulka qaranka Venezuela 28-ka bisha Maarso 2017 ay ku dheelaan garoon maran oo aanay wax taageera ah joogin.

Tani ayaa timid kaddib markii ay markii labaad sanadkan gudahiisa anshax xumo ku kaceen.

Bishii May, waxaa laga mamnuucay Chile inay laba ciyaar ku dheesho garoonka Estadio Nacional Julio Martinez Pradanos ee magaalada Santiago, waxaana lagu ganaaxay 30,000 oo Swiss francs oo u dhiganta (£24,004), arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii taageerayaasha dalkaasi ay ku dhawaaqeen hadallo anshax darra ah.

Ganaaxa la dul dhigay dalalkan ayaa u dhaxeeya 30,000 oo Swiss francs oo u dhiganta (£24,004) oo Honduras loo dul dhigay laba kiis oo ay galeen, iyo 20,000 oo Swiss francs oo u dhiganta (£16,002) oo la saaray Brazil iyo Canada.