Farmaajo oo la kumay Culima’udiinka iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday Kenya & Uganda

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadateen gurmadkii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa  Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho,  waxaana ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre, iyaggoo Guddiga gurmad qaran  ku warreejiyey  $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Keny.