Home Wararka Farmaajo oo ku wajahan Caabudwaaq

Farmaajo oo ku wajahan Caabudwaaq

SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ku wajahan magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.

Magaalada Caabudwaaq waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynaha tago magaalada  Caabudwaaq in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.

Ammaanka Magaalada  Caabudwaaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo horudhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa gaaray  Caabudwaaq.