Guri-ceel-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Guri-ceel ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.
Magaalada Guri-ceel waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay Maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Dadweynaha oo Madaxweynaha uga hortagay banaanka magaalada ayaa waxa ay wateen Calanka Soomaaliya iyo Sawirka Madaxweynaha, iyaga oo ku qeylinayay Madaxweyne soo dhawoow iyo ereyo kale.
Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Soomaaliya Maxaed (Farmaajo) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu kulamo la qaadan doono shacabka magaalada Guri-ceel.
Ammaanka magaalada Guri-ceel ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka AMISOM, Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen Maleeshiyaad Hub ku dhex sitay magaalada, kahor inta uusa Madaxweynaha gaarin magaalada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka waxaa la filayaa inuu ku soo gaba gabeeyo Magaalada Caabud-waa ee Gobolka Galgaduud.