Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hor kacayo, kadib markii ay ka soo qayb galeen Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye walba ka wada hadlayeen xoojinta xiriirka waddamadooda.
Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ), kadib markii uu Madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.