Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in la xiri doono xerada qaxootiga ee loo yaqaanno Jungle. hadalkan wuxuu sheegay mar uu booqasho ku tagay magaalada Calais ee ay xerada ku taallo.
Madaxweyne Hollande ayaa sheegay inuu looga baahan yahay in UK ay qeybteeda ka qaadato howlaha bini’aadanimada.
Mr Hollande ayaa dekadda Calais kula kulmay masuuliyiinta deegaanka iyo booliiska. lama filayo inuu booqdo xerada ay qaxootiga ku jiraan.
Mustaqbalka xerada iyo dadka degen oo tiro ahaan gaarayo ilaa 10,000 oo qof ayaa noqotay arrin muhiim u ah ololaha tartanka madaxtinnimada Faransiiska.
Mr Hollande ayaa sheegay inuu go’aansaday in dowladda UK ay caawin doonto howlaha bini’aadannimada, dowladiisana ay xooga saari doonto arrintaasi.