Home Caalamka Faransiiska oo Calais ka saaraya Tahriibayaasha

Faransiiska oo Calais ka saaraya Tahriibayaasha

SHARE

Maamulka magaalo xeebeedka Faransiiska ee Calais waxa ay amreen in boqollaal tahriibayaal ah laga saaro qeyb kamid ah xero loo yaqaano Kaynta.

Muhaajiriinta sharcidarada ah ee badankooda ay ka safreen Bariga Dhexe iyo Afrika, waxa ay doonayaan in halkaasi ay uga gudbaan Britain.

Hadda dadkaasi waxa ay haystaan illaa Talaadada inay xeradaasi uga baxaan oo ay aadaan xeryo si ku meel gaar ah ay usii joogaan ama baraha dowladda Faransiiska ay u sameysay.

Tahriibayaasha Calais waxa ay dhowr jeer sameeyeen isu soo baxyo ay kaga cabanaayeen dhibaatooyiin ku haysta xeryaha ay degan yihiin.

Mid ka mid ah xeryahaasi waxaa ka dilaacay cuduro kala duwan, waxayna dowladda Faransiiska dadkaasi u diiday inay u gudbaan Britain.