Hogaamiyaha Jermalka Angela Merkel iyo Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in ay si dhamaystiran uga heshiiyeen sidii loo maarayn lahaa go’aanka Britain ay kaga baxday Midawga Yurub.
Hollande ayaa ka digay in “kala qaybsanaantu ay horseedi karto kala qoqobnaan, mucaarad iyo muran.
Labadoodu waxay wadahadal ku yeelan doonaan maanta magaalada Baarliin iyada oo bartanka lagaga jiro dhagdhaqaaq badan oo dublamaasiyadeed oo ku aadan go’aanka Britain ay kaga baxday midawga Yurub.
Lacagta Giniga loo yaqaanno ee Britain ayaa hoos u sii dhacday subaxnimadii hore ee Isniinta markii sidaa loo furay suuqyada saamiyada ee Aasiya.
Xoghayaha maaliyadda ee Britain, George Osborne ayaa qoraal uu soo saaray intii aysan suuqyada Britain furmin ugu baaqay daganaan la muujiyo.
Wuxuu sheegay in UK ay diyaar u tahay wajihitaanka mustaqbalka oo uu ku tilmaamay in uu wanaagsanaan doono in kasta oo uu aqbalay in uu culays jiri doono.