Saddex Falastiiniyiin ah ayaa naftooda ku waayay rabshado ka dhacay Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah.
Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rabshado maalmo ka socday agagaarka masjidul Aqsa.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in wiil 17 jir ah uu dhintay ka dib markii lagu toogtay degaanka Ras al-Camud ee Bariga Qudus, halka nin kalena uu dhintay dhaawac kasoo gaaray rabshad ka dhacday degaanka A-Tur.
Ninka saddexaad ayaa lagu dilay degaanka Abu Dis ee Daanta Galbeed.
Xiisadda ayaa sare u kacday markii laba ka tirsan booliska Israa’iil lagu dilay meel u dhaw masjidka.
Weerarkaasi waxaa fuliyay saddex nin oo ah Carabta Israa’iil, kuwaasoo markii dambe lagu laayay gudaha daarta masjidul Aqsa.