March, goolal kala yimid Luis Suarez, Neymar iyo Lionel Messi ayaa u sahlay Barcelona inay guul 3-1 Champions League kaga badiyaan kooxda Arsenal, iyagoo wadar ahaan 5-1 labada lug ku gaaray siddeed dhamaadka.
Soo jeediyahay Barnaamijka Match of the DayGary Lineker,weeraryahankii hore ee Camp Nou, ayaa waxa uu sheegay in Barca ay qaaday wada farxadeed iyadoo aheyd kooxda ugu fiican ee taariikhda ciyaarta ugu qurxoon laga daawaday.
dareenka taageerayaash ayaa ah mid qasan, waxaana Atletico iyo Real Madrid ay hada kula dagaalamayaan kaalmaha sare ee La Liga iyado sidookale taagan finalka Copa del Rey oo ay la qadan doonto kooxda Sevilla.
Weeraryahanada kooxdan ayaa hal bil, uu ku dhacay is beddel weyn, waxaana Tan iyo bilowgii April, kooxda ka dhisan Catalan ayaa ka hartay Champions League, waxaana laga badiyay seddex kulan oo horyaalka ah oo isku xiga markii ugu horeysay 13 sano kadib,iyagoo qasaariyay isla bishaan April sagaal dhibcood oo La Liga ku hogaaminayeen.