Home FAALLOOYINKA Faallo:Qiimaynta Musharixiinta by Dr. Gacal

Faallo:Qiimaynta Musharixiinta by Dr. Gacal

SHARE

Maxaa lagu Qiimeynayaa Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha iyo Gudoonka Barlamaank???
Shan bil kadib dib u dhac doorashada gudoonka golaha shacabka waxaa la shaaciyey in ay dhaceyso 10 Janaayo 2017. Welina lama oga Aqalka sare iyi Madaxtooyada, waxaase la rajeynayaa in aya dhamaadaan bishaan.
Xildhibaanada Fedaraalka waxey ku wareersanyihiin maxaa halbeeg u ah oo ay ku Qiimeynayaan Musharaxiinta si ay u kala xushaan; Tilmaamaha, Astaanta, Sifaadka, Crateria ama Calaamadaha saxda aha ee lagu garto Hogaamiya saxda ah waa kuwee?
Majiraan wax qoran oo sharci ah ama laba Xildhibaan iyo wax ka badan isku raacsanyihiin?
Tusaale; Barlamaanku waxe soo saareen in; Musharaxa Madaxweynuhu bixiyo 30 kun doolar, keensado Saxiix 20 Xildhibaan, Gudoonka labada aqalna 15 kun doolar. Dastuurku wuxuu ku daraa in uu Somali yaha, ka weynyahay 40 sanno, Danbi Maxkamad xukuntay galin, lkn khilaafku waa: da’da Maxaa lagu cadeynayaa, hawlgab iyo waynan ma leedahay, Maxkamad danbiya Siyaasadeed tii badbaadada ayaa ugu danbeysay maalin kastan danbi Siyaasadeed ayaa la galaa, Maxkamado dawlada kale mala cuksan karaa ama qofkii la soo tarxiilay?
Qabiilka miyaa lagu qiimeynayaa mise Qaran? Wadaad mise Wadani? Dhaqaalke badan mise Aqoon badan? Kalsoonida dawlad gobaleedka mise dawladaha deriska? Hawl fiican oo uu horay u soo qabtay mise mida uu dib ka qaban doono?
Si aan shacabku Xildhibaanada u eedeyn waxey u baahan yihiin hal- beeg ay ku miisaamaan Musharaxiinta si ay u doortaan hogaanka shacabkoodu rabo.

W/Q: Maxamed Nur Gacal , wasiiru dowlihii hore ee arimaha dibadda
,